Duqa Dawladda Hoose ee Gabiley Mudane Mursal Maxamed Jaamac ayaa maanta ka qaybgalay munaasibadda qalin-jabinta ardayda Fasallada Qalin-ababka (KG) ee Dugsiga Dawliga ah ee New Gabiley oo ay maamusho Dawladda Hoose ee Gabiley. Duqa waxaa munaasibadda ku wehelinayey Xildhibaan Cabdi Cali Xirsi, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Iyo Gobolka Gabiley, maamulka dugsiga, waalidiin iyo marti sharaf kale. Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qalin-jabiyey 120 arday, kuwaas oo si guul leh u soo dhammaystay heerka waxbarashada KG-ga, una gudbaya marxaladda xigta ee waxbarashadooda. Duqa Gabiley ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, waalidiintooda iyo macallimiinta, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen tarbiyeynta iyo waxbaridda ubadka, isla markaana xusay in waxbarashadu tahay saldhigga ugu muhiimsan ee lagu dhiso bulsho aqoon Iyo mustaqbal ifaya leh. Ugu dambayntii, Duqa iyo masuuliyiintii kale ee munaasibadda ka qaybgalay ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii qalin-jabisay, maamulka dugsiga iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii iyo bulshada kaalinta ku lahayd horumarinta dugsiga.