Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha JSL oo ka hadlay shaqaaqadii Xaysimo. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa tacsi u direy dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Xaysimo ee Gobolka Sanaag. Mas’uulku wuxuu sheegay in dowladda ay ka murugaysan tahay dhacdadaas, isla markaana ay baadhitaan iyo dadaallo nabadeed ka wado si loo xasiliyo xaaladda deegaanka.